Ads Here

Monday, January 17, 2022

qofku waa sida uu u fakaro


Magaca Buugga: qofku waa sida uu u fakaro

Qoraaga: James allen

Turjumaha: Dr.jama sahal

Bogogga: 39 baal

Cutubyada: 6


Waa buug yar marka la fiirsho tirada baalalka lkn ah xikmadda la soconaysa, waa buug ka qiima badan buug boqolaal bog ka kooban, 


Waxwalba oo dunidan la xaqiijiyay (lagaaray) oo lagu guulaystay waxy ka bilawdeen fakar yar oo qof ku fakaray kadibna uu ficil ubadalay. Sidaas awgeed waxaan oran karna fakarku waa miraha(abuurka) wax walba oo uu qof gaaray, 


Buuggana waxa si cajiiba uga waramaya fakarka qofka, sida ka  muuqata ciwaanka buugga. Qof walba waxa uu noqon sida uu u fakaro, tusaale haddii uu qif ku fakaro inuu noqdo ganacsad,dilaa, tuug, siyaasi, dhakhtar,engineer I.W.M 

Si khaldan ha ufahmin, Taa micna heedu maaha iska fakar waad noqon waxaa rabtay.. lkn waa fakar oo kadib ficil kudar, lkn marwalba waxaa horeeya fakarka.


Qoraagu waxa uu qaybta ugu horaysa ee dhiganaha ku sharaxayaa sida fakarka qofku uu saamayn wayn ugu leeyahay nolashaada farxadda,dhibta,guusha iyo guul daradaba. Waxaana kamida xikmadaha cajiibka ah ee ka yiri arintan.


"Ficilku waa ubaxa fakarka, farxadda iyo dhibtuna waa miraha ka soo go'a. Sidaas dlarteed qof walba waxa uu gurtan macaanka anma kharaarka miraha fakarkiisa."


"Waxa aynu ka samaysannahay waa fikiradaha maskaxdeenna ku jira. Waxa aynu ku fekerno ayan aynu beerannaa oo samaysannaa. Haddii qofku xumaan ku fekero, xumaan ayaa noloshiisa dhan ka hari wayda sida karneetaduba aysan dameerka/faraska uga harin. Haddii qofku wanaag ku kero, wanaag ayaa sida harka ula socda oo ka hari wanya."


SAAMAYNTA FAKARKU KU LEEYAHAY CAQABADAHA


"Maskaxdaada waxaa lagu matali karaa beer. Beertaas si caqliyaysan aya loo beeri karaa ama waa la iska dhaafi karaa oo jeexo ayaa ay nocon karaysaa; balse ha la beero ama ayadu jeexo ha iska noqoto markasta dhir ayaa ka baxaysa. Haddii miro waxtar leh aan lagu abuurin markaas, dhir aan loo baahnayn oo tiro badan ayaa iskeed uga baxaysa dhirtaas ayaana nooceeda sii badinaysa oo ku sii tarmi doonta. Beeralaygu beertiisa ayaa uu fashaa asaga oo ka ilaalinaya dhir-duureed in ay ka baxdo, asaga ayaa miro, khudaar iyo ubaxyo nooca uu doonayo ah ku beerta."

 "Haddaba u jeeso beerta maskaxdaada ku taalla, ka jar waxii dhir-duureed iyo aragtiyo aan loo baahnayn oo aan nadiif ahayn oodhan. Beero ubaxyo nooca ugu wanaagsan ah, beero ubaxyada aragtiyaha nadiifka ah ee hagaagsan ee waxtarka leh."


"Ma aha in aad waxa aad jeceshahay markasta helaysid balse waxaa hubaal ah in waxa aad shaqaysatid aad markasta helaysid. Jacaylkaaga iyo doonistaadu waxa ay rumoobayaan marka ay waafaqsanyahiin fakarkaaga iyo ficillada aad gaysanaysid wanaagsan."


Haddii aanad ku faraxsanayn nolasha aad ku nooshahay ood rabtid mid kawanagsan meel kale ha  karaadin ee marka hore si wanaagsan u fakar kadibna ficil kudar

Rabina talasaaro, rabbi ayaa tala saarad kuugu filan. Arintanna waxa uu qoraagu ka yiri sidan 

"Ma waxa aad ka mid tahay dadka aadka uga walwalaya sidii ay wax uga beddali lahaayeen dhibaatooyinka haysta, balse aan doonayn in ay nafsaddooda wax ka beddalaan? Haddii aad sidaas tahay waxba kuuma hagaagi doonaan."


Waad ku mahadsantahay akhriskaaga waxaan rajayn in ay qormadani ku an facda. Lawadaag(share) asxabtada si ay uga faa'iido.

Ibrahim Sayid

1 comment: