Qof aan hadaf lahayni waa baabuur socda oo bilaa dawaral ah.
Qormadan gaaban iyo kuwa ku xigaba waxaan kaga hadli doonaa hadaf/yool(goal). Si aysan u dheeraan oon loogu caajisin ayaan usoo gaabiyay. Fadlan akhri lana soco qaybaha kale ee qormadan. Mahadsanid
Yool/hadaf:- waa wax aad rabtid inaad xaqiijisid.
Hadafka waa waxa nolasha qiimaha u yeela. Marka qofku uu bilaa hadaf noqdo noloshiisa oo dhanbaa noqonaysa mid bila dhadhan ah.
Hadafku wuxuu keeno in laba qof oo isku aqoon ah, xoog ah, da' ah ay nolosha ku kala hormaraan midna nolshiisu qiima yeelato midna 5 sano kohor meeshii uu taagnaa taagnaado.
Tusale ahaan waxaa jira 2 nin mid ladhaho GEEDI iyo mid ladhaho WARFAA.
Waa isku arday kawada qalin jabiyay isku jaamacad kulliyad isku midana bartay.
Markay jaamacada dhammeeyeen ayaa
Geedi fakaray qortayna 3 hadaf(goals) wuxuu hadaf ka dhigtay in uu bishii soo galo dakhli dhan $1000. Waxa uuna uqabtay naftiisa si uu hadafkaas ugaaro muddo 3 bilood ah. Waxa uu dajiyay qirshihii uu ku xaqiijin lahaa hadafkas.
Wuxuuna qaatay go'aan adag.
Dhanka kale sxbkis WARFAA isagu wax hadaf ah ma yeelan kaliya wuxuu ku fekeray inuu shaqo helo maadaama uu wax barshadii dhameeyay.
Fadlan su'aalahan is waydii kana jawaab Jawabtada noogu reeb qaybta faalada(comment).
1. 5 sano kadib ma kula tahay in ay labadaa qof isku dhaqaale ahaan doonaan??
2. Ma kula tahay in ay isku si u shaqayn doonaan 2 daas qof?
3.ma kula tahay in ay isku si u
noo laan doonaan?
Lana wadaag asxaabtaada.
Mahadsanid bare waa qormo aad ufiican.
ReplyDelete