Ads Here

Monday, January 17, 2022

Magaca buugga: tarbiyaynta nafta



Magaca buugga: tarbiyaynta nafta

Qoraaga: imaamu ibnu al-jawsi
Turjumaha: Dr. Maxamed ibraahim siciid(suldaan garyare)
Bogga: 178 baal
Cutubyada: 30
Ugu horayn wuxuu si farshaxan ah oo qurux badan uga waramayaa iimaamku HAB-DHAQANKA WANAAGSAN EE MASKAXDA dadka. Maskaxda bini aadamku waa mid ka heer saraysa ta noolayasha kale, taasina waa sababta bini aadamka looga dhigay mid uhogaansama ALLE iyo amaradiisa.
QAYBTA DAWAYNTA WAXYAABAHA DADKA DHIBA
Waa qaybta ugu badan ee buuggu ka hadlayo. Wuxuu imaamku kaga waramay cudduro badan oo kudhaca dadka isagoo midwalba kadhigay cutub gooniya.
Mid kasta waxa uu kawaramayaa waxa uu yahay dhibta uu keeno, ugu danbaynna daawadiisa, mar walbana raacinaya aayad quraan,xadiis, gabay ama xikmad.
Waxaa kamida cuduradaas murugada, carada, welwelka, cabsida badan, hunguri waynaanta, shahawaadka, cunada xad dhaafka ah istutuska(riyaa) camalaa khayrka ah gala, islawaynida iyo kuwa kale oo badan.
QAYBTA DHAQAALAHA
Wuxuu imaamku kaga waramay dhaqalaaha 3 cutub oo kala ah
1. Isku dheelitirka dakhliga iyo kharashaadka. Dhibta ugu wayn ee dad maaliiyiin ah oo dunida kunool kadhigtay sabool ama kuwa aan waxba dhamin oo la nool dayn iyo nolol ciriiri ah maaha lacag la'aan ee waa iyagoo marwalba dakhligagoodu (lacagta soogalaysaa) ay ka yartahay kharashaadkooda(lacagta kabaxaysa). Dhibtaas isagoo xalkeeda kahadlaya wuxuu imaamkunyiri " Dakhliga soogala qofka maskaxda badan waa mid ka badan baahidiisa amase waxa uu quuto, waana mid ukaydiya waxyaabaha dheeraadka ah ee uusan ubaahnayn maalinta ay lasoo gudboonato dhaqaale xumo ama baahi aan laga maarmin"
2. hanti dhawridda "hanti ku dheeliddu (ciyaariddu) waa mid ay hawadu amrayso ku dhaqaaqideeda, ALLE (swt) uu Quraankisa Kariimka ah ku yiri (ÙˆَÙ„َا تُبَذِّرۡ تَبۡذِیرًا)
[Surat Al-Isra' 26] hantidiina ha ku bixinnina wax aan munaasib ahayn
3. kafogaanshaha bakhaylnimada wuxuu cutubka si farshaxamaysan uga waramayaa waxa ay tahay bakhaylnimadu iyo wax yaaba aan ahayn ee dadka qaarkiis ku khaldaan. Ugu danbaynna wuxuu kawaramaya daawadeeda.
QAYBTA DAD LADHAQANKA
Waxa uu qoraagu kaga waramayaa 4 cutub dad ladhaqanka wanaagsan
Tarbiyaynta caruurta, ladhaqanka shaqaalaha, qoyska, marwooyinka iyo guud ahaan dadka... waxaa uu sharaxayaa si aad u heer saraysa hanabka dad ladhaqanka, laakiin xikmadaha uu imaamku ku qoray buuga waxaa ka mid ah
"MAADDAAMA ay dabeecadaha iyo hab- dhaqanka dadku ay ka la duwan yihiin, waa mid adag in la helo dad wada wanaagsan ama wada dabeecad fiican. Sababtan darteed, ayaa tan ugu habboon oo qofka caqliga lihi uu samaynkaraa ay tahay in uu mar walba ahaado mid dhawrsoon, oo aan dhexgal uusan ka fiirsan ku dhaqaaqin si uu u yareeyo in cilladi ka timmaaddo xaggiisa, waana arrin yareyn karta in ay dad badan isku dhacaan"
WAAD KU MAHADSANTAHAY akhriskaaga
Waxaan rajaynaynaa in aad ka faa'iiday.

1 comment: