Ads Here

Monday, January 17, 2022

Beddel Sida Aad u fekerayso Haddii Aadan Jeclaysan Natiijada

 Beddel Sida Aad u fekerayso Haddii Aadan Jeclaysan Natiijada

■■□□■■□□■■
Fiiri xaaladda nolasha ee aad hadda kus sugantahay -"waxaa ku gayaysiiyay waa sida aad ufekerayso." In kasta oo weedhaasu adagtahay, haddana, waa xaqiiq in qof kastaa uu nool yahay nolasha ku habboon waayo waxa ay katimid sida uu ufekarayo.haddaba, haddii aadan jeclaysan xaaladda aad hadda kusugantahay (xalka kaliya oo ku hor yaali waa in aad wax ka beddesho fekerkaaga.)
Bal day! Ilaa aad beddesho sida aad ufekerayso sida aad wax usmayaso isma beddeli karto. Marka aan si kele kuu niraahdo, (HADDII AADAN BEDDELIN FEKERKAAGA FICIL KAAGU ISMA BEDDELI DOONO), haddii ficilkagu isbeddelinna natiinadu isma beddesho. Bartii yaqaan bari uma korodho.
Dadka u haysta in xaaladdooda gaar ahaaneed ay isbeddelayso iyaga oo aan go'aansan in ay wax ka beddelaan, Feker iyo ficilba,waxay ka hor imaanayaan Aayadda Quraanka ah ee suuratu rac
( إِنَّ ٱللَّهَ لَا یُغَیِّرُ مَا بِقَوۡمٍ حَتَّىٰ یُغَیِّرُوا۟ مَا بِأَنفُسِهِمۡۗ) (at Ar-Ra'd 11]
ALLAAH ma beddelo dad ilaa ay iyagu naftooda beddelaan....
Beddelka aayadu ka hadlaysaana ma aha muuqaalka e waa dunta aad ka samaysan tahay, waana fekerkaaga.
Waxaa jira wax la yiraahdo "tartanka jiirka".
"Tartanka jiirku" waa sheeko ka turjumaysa cawaaqibka ka imanaaya haddan qofku beddelin wixii aan siinayn natiijaduu rabay.
Sida aad ku aragto sawirka, jiirku markuu damco inuu horay usocdaba waxaa lawareegaysa garaangarta. Marka garaangartu lawareegtona waxa uu kusoo noqonayaa meeshii uu markii hore taagnaa.in allaale iyo inta xaaldda uu kujiro ay tahay in uu garaangarta dul saaran yahay meel uu usocdo maleh, xittaa haddii uu xawaaraha oradkisa kordhiyo. Waayo haddii uu horey udhaqaaqo iyo hadduu dib u socdaba wuxuu kusoo noqonayaa meeshii uu ka bilaabay. Bal is waydii, haddii uu jiirkani rabo inuu qaraab tago maxuu hurran yahay? IN UU GARAANGARTA KA DEGO. haddii uusan intaa samayn, tabarta ayaa ka dhammaanaysa halkaas ayuuna ku bakhtiyayaa.
"Beddel fekerkaaga si ficilkaagu isu beddelo natiijadaaduna isu beddesho"
Waxaa badan dadka aan waxba ka ood sokayn jiir kaas oo kujira
"tartanka jiirka" iyaga oo aan ogayn.
Xigasho Himiladaada hano
Q/ Maxamed ismaciil (siibad)
No photo description available.
4,607
People reached
332
Engagements
Distribution score
45
16 Comments
22 Shares
Like
Comment
Share

1 comment: